×

Gobanimo News's video: DEG DEG: M WEYNE BIIXI OO XIL-KA-QAADIS MAGACABID IYO ISKU-SHAANDHEYN SAMEEYEY KUWA SEEFTU QADAY

@DEG DEG: M/WEYNE BIIXI OO XIL-KA-QAADIS, MAGACABID IYO ISKU-SHAANDHEYN SAMEEYEY + KUWA SEEFTU QADAY
GNATV is the media Production and press by the Somali and world wide War-saxaafadeed: 10/01/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Ku: Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare Marwo iyo Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran. +++++++++++++++++++++++++++ UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: 1. Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda 2. Mustafe Godane Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska 3. Siciid Axmed Jibriil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 4. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga 5. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta 6. Rooble Cabdi Muuse Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha 7. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka 8. Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga 9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka 10. Mukhtar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta 11. Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda 12. Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka +++++++++++++++++++++++++++++++++++ Magacaabid: Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Baahidda Loo Qabo Magacaabista Jagada Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Cumar Iid Qaloonbi Samatar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. ++++++++++++++++++++++++++++++ Magacaabid: Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaad Arkay: Baahida Loo Qabo Dhismaha Guddida iyo Agaasinka Mac’hadka Cilm-baadhista Beeraha iyo Kaalinta ay ka Qaadan Karaan Kobcinta Aqoonta iyo Awoodda Wax Beerista ee Dalka; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; aaya-aragnimadooda; Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 1. Faysal Sahal Jaamac Siciid Guddoomiye Ku-xigeen

5

1
Gobanimo News
Subscribers
5K
Total Post
616
Total Views
27.3K
Avg. Views
440.6
View Profile
This video was published on 2021-01-10 19:37:34 GMT by @Gobanimo-News on Youtube. Gobanimo News has total 5K subscribers on Youtube and has a total of 616 video.This video has received 5 Likes which are lower than the average likes that Gobanimo News gets . @Gobanimo-News receives an average views of 440.6 per video on Youtube.This video has received 1 comments which are lower than the average comments that Gobanimo News gets . Overall the views for this video was lower than the average for the profile.

Other post by @Gobanimo News