×

Gobanimo News's video: Hargeysa:Qaylo-dhaan Qof kasta damqaysa oo ka soo yeedhay qoys agoon ah oo dabku ka bakhtiyey

@Hargeysa:Qaylo-dhaan Qof kasta damqaysa oo ka soo yeedhay qoys agoon ah oo dabku ka bakhtiyey
# # GNATV is the media Production and press by the Somali and world wide Waa Qoys ka kooban Hooyo iyo Afar Ubad ah oo agoon ah. waxa ay ku nool yihiin Aqalkan yar ee Buulka ah ka dhex dhisan daarad Qoyskii lahaa degen yahay oo ku taalla Xaafada Ganad ee Degmada Ibraahim Kood-buur. waa Agoon, waa dan yar aan ehel dhow oo xaaladooda la socota dalka u joogin, waxaanay ka soo jeedaan Soomaalida degen Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Guriga ay degen yihiin ha iska dayacnaadee waa ku Kiro, waxaana bil kasta laga qaadaa lacag dhan Soddon dollar ($30), mana haystaan Hu' ay dhaxanta daran ee xilligan dhacaysa ka huwadaan iyo hoy ku fillan toona, waxaana taasi u dheer cidhiidhiga nolol maalmeedka ka haysta. Ubadkan Aabahood wuxuu dhintay siddeed sanno ka hor, waxa kaalintii labada Waalid ugu jirta Hooyadood Faadumo Cali Yuusuf oo u xarbida Korintooda iyo daryeelkoodaba, laakiinse ma haysato shaqo wanaagsan oo uu ka soo galo dhaqaale ay ku dabari karto baahiyaha qoyska oo dhan. Ubadka agoonta ah waa saddex Wiil iyo Gabadh. waxa u weyn Wiil Toban jir ah. dhamaantood waxa ay gaadheen da'dii ay waxbarashada geli lahaayeen, waxaana haddii ay waxbarasho heli lahaayeen ay ka rejjo fiicnaan lahaayeen sida uu iminka mustaqbalkoodu yahay. Dalabka Hooyadan, ayaa ah mid muujinaya sida ay lexejeclada uga qabto mustaqbalka Ubadkeeda, waxaanay tilmaantay in aanay haysanin Kaadh qaxoontinimo oo ay taageero kaga hesho Hay'addaha caawiya qaxoontiga Itoobiyaanka ah ee dalka degen. Aamina Muxumed Cabdi iyo Foosiya Xuseen oo kamida deriska Qoyskan, balse iyagu si gaar ah ula socda xaaladooda, ayaa sheegay inay Qoyskani u baahan yihiin mucaawimo aadaminimo, iyaguna intii karaankooda ah aanay waxba ka hagran, balse wakhtiga adag ee lagu jiraa aanu u saamaxaynin in ay kafaalo qaadaan waxyaabaha ay u baahan yihiin. Ugu dambeyn, waxa ay Hooyada Agoonta haysata iyo xubnaha xogogaal u ah ee qaylo-dhaantan dirayaa codsanayaan in wixii taakulo iyo taageero ahba loogu soo hagaajiyo Telefoonada kala ah +252-636392950 Faadumo Cali Yuusuf oo ah Hooyada Ubadkan dhashay iyo +252 63 4408138 oo ay leedahay Aamina Muxumed Cabdi.

19

5
Gobanimo News
Subscribers
5K
Total Post
616
Total Views
27.4K
Avg. Views
441.6
View Profile
This video was published on 2021-01-12 01:27:40 GMT by @Gobanimo-News on Youtube. Gobanimo News has total 5K subscribers on Youtube and has a total of 616 video.This video has received 19 Likes which are higher than the average likes that Gobanimo News gets . @Gobanimo-News receives an average views of 441.6 per video on Youtube.This video has received 5 comments which are higher than the average comments that Gobanimo News gets . Overall the views for this video was lower than the average for the profile.Gobanimo News #GOBANIMONEWS # #SHARE # has been used frequently in this Post.

Other post by @Gobanimo News