×

Gobanimo News's video: Qodobada ka soo baxay Shirweynaha Dhalinyarada Beelaha Toljecle iyo Farriimo loo diray Madaxweynaha

@Qodobada ka soo baxay Shirweynaha Dhalinyarada Beelaha Toljecle iyo Farriimo loo diray Madaxweynaha
Masuuliyiintan ayaa dhalinyaradda kula dardaarmay inay muujiyaan midnimo, una istaagaan horumarka deegaamada ay ka soo jeedaan, isla markaana ay yeeshaan qorshe iyo iskaashi ay kaga qayb qaadanayaan horumarka dalka. Suldaanka guud ee Beeshaasi Suldaan Axmed Daahir Muuse, Guddoomiyaha Guddida horumarinta ee TALOSAME Prof. Maxamuud Xuseen Faarax, Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim, Xildhibaan Cabdirisaaq Haybe, Cheif Caaqil Farxaan Cabdi Yey, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa, Xogahaya Cadaaladda Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis, Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga UCID Cabdisalaan Maxamed Muuse, Wasiir u dawlihii hore ee Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Xukuumaddii Siilaanyo oo haatana kamida aasaaseyaasha urur-siyaasaddeedka SPP Yuusuf Cismaan Garas, Siyaasi Caydaruus Cabdi Samad, Caydaruus Maxamuud Yuusuf, Foosiya Ibraahim iyo masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadlay, ayaa dhamantood bogaadiyey shirweynaha dhalinyarada, waxaanay kula dardaarmeen inay si qoto dheer uga tashadaan sidii ay u abuuran lahaayeen mustaqbal wanaagsan. Gabagabadii shirkaasi waxa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban lix qodob, waxaana halkaasi kaga dhawaaqay Aadan Axmed Yoonis oo kamida hormuudka dhalinyarada Geesta kale waxa shirkaasi lagau doortay shan xubnood oo dhalinyaro ah, kuwaasoo ka shaqayn doona horumarinta iyo isku xidhka dallada guud ee dhalinyarada.

11

2
Gobanimo News
Subscribers
5.5K
Total Post
616
Total Views
27.7K
Avg. Views
446.2
View Profile
This video was published on 2022-03-31 22:20:40 GMT by @Gobanimo-News on Youtube. Gobanimo News has total 5.5K subscribers on Youtube and has a total of 616 video.This video has received 11 Likes which are lower than the average likes that Gobanimo News gets . @Gobanimo-News receives an average views of 446.2 per video on Youtube.This video has received 2 comments which are higher than the average comments that Gobanimo News gets . Overall the views for this video was lower than the average for the profile.

Other post by @Gobanimo News