×

SADRA KITCHEN's video: FASHILKA SACUUDIGA GUUSHA YEMEN MAREYKANKA OO DAGAAL KU BAAQAY - XOG WARAN

@FASHILKA SACUUDIGA & GUUSHA YEMEN | MAREYKANKA OO DAGAAL KU BAAQAY - XOG WARAN
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso sidii ay liiska argagixisada uga saari laheyd Dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen oo liiskaasi uu ku daray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, maalmo yar ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bishii hore. Go’aankaasi ayaa waxaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxayna ku soo aadeysaa maalin ka dib markii uu madaxweyne Joe Biden shaaciyay in Mareykanka uu soo gabagabeeyay taageerada uu siin jiray Isbaheysiga Carbeed ee uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sababta liiska argagixisada looga tirayo Xuutiyiinta ay tahay sababo dhanka bani’aadannimada ah. Qaramada Midoobay iyo Hey’adaha Gargaarka ee caalamiga ah ayaa bishii hore ka digay in go’aankii Trump uu Xuutiyiinta ugu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah ay sii murjineyso xaaladda bani’aadannimo ee hadda ka taagan Yemen. Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Yemen masiibo bani’aadannimo tan ugu xun xilligaan. 80% dadka reer Yemen ayaa u baahan gargaar deg deg ah.

5

2
SADRA KITCHEN
Subscribers
21.1K
Total Post
39
Total Views
14.7K
Avg. Views
611.5
View Profile
This video was published on 2021-02-06 22:15:20 GMT by @Hanaqaad-Channel on Youtube. SADRA KITCHEN has total 21.1K subscribers on Youtube and has a total of 39 video.This video has received 5 Likes which are lower than the average likes that SADRA KITCHEN gets . @Hanaqaad-Channel receives an average views of 611.5 per video on Youtube.This video has received 2 comments which are lower than the average comments that SADRA KITCHEN gets . Overall the views for this video was lower than the average for the profile.

Other post by @Hanaqaad Channel