×

UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM)'s video: Tubta Nabadda Episode 223

@Tubta Nabadda Episode 223
Todobaadkaan , waxaan ku xuseynaa maalinta caalamiga ah ee ka hortagga gudniinka gabdhaha, oo adduunka laga xuso 6da Febaraayo, waxaana diiradda saari doonaa tallaabooyiinka Soomaaliya ee lagu ciribtiraayo caadadaan waxyeelada leh. Waxaan wareysanay Sahra Cabdi Xirsi ‘Sahra Kiin’ wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland, oo ka hadleysa sababta gudniinka fircooiga ah u yahay xadgudub xaquuqda bini’aadanimo ee gabdhaha iyo haweenka. Waxay sidoo kale ka hadleysaa sida sharciga cusub ee ka dhanka ah gudniinka ee laga ansxiyey Puntland u saameyn doono bulshada, gaar ahaan goobaha miyiga, iyo caqabadaha ku horgudban in sharcigaas si guul leh loo hirgaliyo. Waxaan sidoo kale wareysanay Aamina Axmed Maxamed, oo muddo dheer gudniinka gabdhaha ku shaqeysan jirtay balse hadda ah horseedka cododka ka dhanka ah caadadaan. Waxa ay ka sheekeyneysaa xanuunka ay gabdhaha la soo gudboonaado, halista caafimaad wakhtiga dheer iyo natiijada maskixiyan ah ee ay caadadaan sababi karto. Waxa ay fariin u gudbisay dadka ku shaqeysta gudniinka gabdhaha, hooyooyinka, aabayaasha iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan si loo joojiyo cadaadaan waxyeelada leh. Istuudiyaha waxaa barnaamijka ka daadihin doonaa Cali Guutaale iyo Fatxi Max’ed. Waxaad dhageysan doontaan hees ka hadleysa baahida loo qabo in la ciribtiro gudniinka. Ka dhageyso barnaamijka Radio Garowe, Radio Muqdisho, Radio Kulmiye KNN, Radio Baydhaba, SBC Radio, Radio Cadaada, Radio Risaala, Radio Dalsan, Radio HiranWeyn Beletweyn, Radio Galgaduud iyo Radio Kismaayo. Si aad qayb uga noqoto barnamaijka waxaad wici kartaa idaacadaha, oo nala wadaag aragtidaada. Hadii uu ku seegay barnaamijkan halkaan ayaad ka dhageysan kartaa wakhti walba. waxaad sdoo kale ka helikartaa Podcast qybtaan iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) (bit.ly/2kljcZJ).

0

0
UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM)
Subscribers
6.7K
Total Post
1.2K
Total Views
23.3K
Avg. Views
232.5
View Profile
This video was published on 2021-02-05 12:02:07 GMT by @UNSOM-Somalia on Youtube. UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) has total 6.7K subscribers on Youtube and has a total of 1.2K video.This video has received 0 Likes which are lower than the average likes that UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) gets . @UNSOM-Somalia receives an average views of 232.5 per video on Youtube.This video has received 0 comments which are lower than the average comments that UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) gets . Overall the views for this video was lower than the average for the profile. UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) #TubtaNabadda, has been used frequently in this Post.

Other post by @UNSOM Somalia