×

UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM)'s video: Tubta Nabadda Episode 224

@Tubta Nabadda | Episode 224
Todobaadkan , waxaan ku xusaynaa Maalinta Raadiyaha Adduunka oo caalamka looga dabbaaldego 13 February. Waxaan si gaar ah u eegi doonaa kaalinta muhiimka ah ee raadiyuhu ka ciyaaro nolosha bulshada Soomaaliyeed. In kastoo horumar wanaagsan laga sameeyay saxaafadda casriga ah, hadana doorka raadiyuhu wali wuxuu muhiim u yahay xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed. Waxaan barnaamijka ku waraysanay Shukri Baryare Maxamuud oo ka tirsan wariyeyaasha Radio Hiran weyn ee Magaalada Beledweyne. Waxay ka waramaysaa sababta ku dhalisay shaqadan, caqabadaha suuragalka ay tahay inay wajahayaan gabadhaha wariyeyaasha ah iyo sidoo kale waxyaabaha ay soo kordhiyaan gabadhaha wariyeyaasha ah. Waxaan sidoo kale waraysanay Abdisalan Mohamud Shire oo ka tirsan Radio kismayo. Wuxuu ka hadlayaa barnaamijyada uu soo saaro iyo sida ay u daboolaan baahida dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Wuxuu sidoo kale ka hadlayaa sida barnaamijyada uu sameeyo ay kor ugu qaadaan nabadda iyo wadahadalka bulshada dhexdeeda. Barnaamijka oo ay idin la socodsiinayaan Ali Gutale and Fathi Mohamed, waxaad ku dhagaysan doontaan gabay ku saabsan muhiimadda raadiyaha oo uu noo tiriyo Liibaan Cabdi Warsame. Ka dhageyso barnaamijka Radio Garowe, Radio Muqdisho, Radio Kulmiye KNN, Radio Baydhaba, SBC Radio, Radio Cadaada, Radio Risaala, Radio Dalsan, Radio Hiranweyn, Radio Galgaduud iyo Radio Kismaayo. Si aad qayb uga noqoto barnamaijka waxaad wici kartaa idaacadaha, oo nala wadaag aragtidaada. Hadii uu ku seegay barnaamijkan halkaan ayaad ka dhageysan kartaa wakhti walba. waxaad sdoo kale ka helikartaa Podcast qybtaan iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) (bit.ly/2kljcZJ).

4

0
UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM)
Subscribers
6.2K
Total Post
1.1K
Total Views
21.7K
Avg. Views
247
View Profile
This video was published on 2021-02-12 11:34:53 GMT by @UNSOM-Somalia on Youtube. UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) has total 6.2K subscribers on Youtube and has a total of 1.1K video.This video has received 4 Likes which are higher than the average likes that UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) gets . @UNSOM-Somalia receives an average views of 247 per video on Youtube.This video has received 0 comments which are lower than the average comments that UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) gets . Overall the views for this video was lower than the average for the profile. UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) #TubtaNabadda, has been used frequently in this Post.

Other post by @UNSOM Somalia