×

UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM)'s video: Path to Peace Episode 376 : Entrepreneurship in Somalia

@Path to Peace (Episode 376): Entrepreneurship in Somalia
[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below] Todobaadkan barnaamijka waxaan diiradda ku saareynaa waxa ay ku qaadaneyso in aad ka mid noqoto hal-abuurada ganacsi ee Soomaaliya, anagoo la hadleyno labo dhallinyaro ah oo ka shaqeeya goob lagu qaxweeyo oo ku taala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo lagu soo kordhiyey goobo madadaalo ah oo lagu wada qaxweeyo iyada oo ay ugu wacan tahay xasilloonida iyo ammaanka sii kordhaya ee magaalada. Qaybta hore, waxaan ku dhageysaneynaa Amiira Faarax Axmed, aasaasaha ‘Xarunta Bulshada,’ oo ah mehrad lagu qaxweeye. Waxay ka hadlaysaa safarkeedii ganacsi, caqabadaha ay la kulantay, iyo xalalka ay samaysay; waxay kaloo nala wadaagaysaa caqabadaha gaarka ah ee ay la kulmi karaan haweenka da'da yar marka ay bilaabayaan ganacsiyada yaryar. Qeybta labaad, waxaan isna dhageysaneynaa Xasan Maxamed oo ah maareeyaha ‘xarunta qaxwaha Muqdisho’ oo ah xarun kale oo lagu qaxweeyo. Waxa uu ka hadlayaa qorshihiisa uu ku doonayo in uu ku balaadhiyo ganacsigiisa iyo saamayntiisa uu bulshada ku leeyahay, iyada oo la tixgelinayo doorka ay leedahay meel ay dadku isugu yimaadaan si ay u yeeshaan sheeko macno leh iyo is-dhexgal bulsho, iyada oo la adeegsanayo fikrado ganacsi oo cusub. Wuxuu kaloo rajeynayaa inuu gaarsiiyo dhammaan maamul goboleedyada dalka oo dhan. Barnaamijka waxa noo soo jeedinaya Cali Guutaale iyo Faiza Cabdi Soo gudbi aragtidaada adiga oo wacaya raadiyaha aad jeceshahay inta uu socdo barnaamijka maanta: Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Risaala Media Corporation (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Waamo Radio (8.00 p.m.) Isnaay Radio (7.00 p.m.) Sanguuni Radio (8.00 p.m. Axad) Beerlula Radio (8.30 p.m. Axad) Arlaadi Radio (8.00 p.m. Axad) Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Talaado) Radio Jowhar (2.00 p.m., 8.30 p.m.) Codka Caasimadda (2.00 p.m, 7.30 p.m) Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba: iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264 Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/ -------- Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo: Website: https://unsom.unmissions.org Twitter: https://twitter.com/UNSomalia Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/ SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/... Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom ----- This week on , we focus on what it takes to become a young entrepreneur in Somalia, speaking with two young entrepreneurs who operate coffee shops in the Somali capital of Mogadishu, where the pastime of socialising over a cup of tea or coffee has grown thanks to growing stability and security in the city. In the first segment, we hear from Amira Farah Ahmed, founder of ‘The Social Hub,’ a local coffee shop. She discusses her entrepreneurial journey, obstacles she has encountered, and solutions she has developed; she also shares with us the particular challenges that young women can face when starting small businesses. In the second segment, we hear from Hassan Mohamed, the manager of ‘Mogadishu Coffee,’ another local establishment. He talks about his plans to expand his coffee shop's social impact, given its role as a space where people can come together to have meaningful conversations and social interactions, through the use of innovative business ideas. He also hopes to expand into all of Somalia’s Federal Member States. The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Faiza Abdi. Share your views by calling in your favourite radio station during the show today: Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.) SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.) Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Risaala Media Corporation (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.) Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.) Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.) Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.) Waamo Radio (8.00 p.m.) Isnaay Radio (7.00 p.m.) Sanguuni Radio (8.00 p.m. Sunday) Beerlula Radio (8.30 p.m. Sunday) Arlaadi Radio (8.00 p.m. Sunday) Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Tuesday) Radio Jowhar (2.00 p.m., 8:30 p.m.) Codka Caasimadda (2.00 p.m., 7.30 p.m) --------------------

3

0
UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM)
Subscribers
6K
Total Post
1.1K
Total Views
21K
Avg. Views
246.9
View Profile
This video was published on 2024-01-19 11:52:15 GMT by @UNSOM-Somalia on Youtube. UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) has total 6K subscribers on Youtube and has a total of 1.1K video.This video has received 3 Likes which are higher than the average likes that UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) gets . @UNSOM-Somalia receives an average views of 246.9 per video on Youtube.This video has received 0 comments which are lower than the average comments that UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) gets . Overall the views for this video was lower than the average for the profile. UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) #TubtaNabadda #TubtaNabadda, has been used frequently in this Post.

Other post by @UNSOM Somalia